Dowlada Somalia oo sheegtay inay qaarajisay xubno ka tirsan alshabaab

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranka oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayay saraakiisha Ciidanku sheegeen in lagu dilay 5 ka mid ah Ururka Al-Shabab.

waxaana sidoo lagu burburiyey sida ay sheegeen goob wayn oo fariisin u ahayd Al-Shabaaab isla markaana ay ka wadeen abaabul.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu dagaalamo Al-Shabab, kwuaasi oo ka socda deegaanada hawdka ku yaala.