Dowladaha Somalia & maraykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 92.6 Million

MUQDISHO_AYAAMAHA– Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis horumarineed oo ku kacaya $92.6 milyan, kaasi oo Mareykanka uu ku caawinayo qaar ka mid ah barnaamijyada horumarinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, halka dowladda Mareykanka uu wakiil ka ahaa Shane Dixon, sii hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in heshiiska uu Soomaaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha iyo dowladnimada iyo awoodsiinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shane Dixon ayaa yiri “Heshiiskan waxa uu xoojinayaa 17 sano oo Maraykanku uu caawimaad horumarin siinayo Soomaaliya, aragtideena wadajirka ah ee adkeysiga, iyo sida ay nooga wada go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.”

Mareykanka ayaa ah dalka kaalmada ugu badan siiya Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka caawiyaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo tababarka ciidamada.