Dowladda Azerbaijan oo eedeyn u jeedisay Ruushka

MOQDISHO-AYAAMAHA–  zerbaijan ayaa ku eedaysay Ruushka iyo Armenia inay ku guuldareysteen inay fuliyaan heshiis xabad joojin ah oo ka dhacay gobolka  Nagorno-Karabakh.

Edeynta xukuumadda Azerbaijan ee Ruushka Sabtidii ayaa timid iyadoo madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ay ku kulmeen Brussels wadahadalo looga golleeyahay in lagu xalliyo colaadda.

Dhinaca kale, Ruushka waxaa uu ku baaqay  wadahadalo nabadeed oo cusub, kuwaasi oo ka dhacaya magaalada Moscow.

Midowga Yurub uu ku booriyay Baku iyo Yerevan inay ka fogaadaan “rabshadaha iyo hadalada qallafsan”.

Khilaafka ka dhaxeeya labada dal ee Azerbaijan iyo Armenia ee jira tobanaan sano ah u dhexeysay ee loogu talagalay gacan ku haynta Nagorno Karabakh.