Dowlda Mareykanka oo War kasoo saaray Shirkii Madaxda dowladda & Madaxdii hore

MOGDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Mareykanka ayaa siweyn u soo dhaweeysay shirkii dhawaan ay Magaalada muqdisho ku yeesheen MAdaxda sare ee dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxdii hore, kaas oo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka o ay ugu horreeyaan arrimaha doorashooyinka.War kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan shirkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida, kaas oo uu marti geliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“ Waxaa soo dhaweeyneynaa shirkii ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaalida si ay u wada tashadaan, ugana wada hadlaan masiirka dallooda, waxaana uga mahad celineeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku casuumay Madaxdii hore ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Safaaradda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in Geedi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya uu u baahan yahay wadatashi sal-ballaaran iyo wada-hadal joogto ah., isla markaana Mareykanka uu weli yahay saaxiib ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada xoogan siiya Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay u tababartaa Ciidamo a magac baxay DANAB, kuwaas oo fuliya howlgallo gaar ah oo lagu beegsado Xarumaha Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo Madaxdii hore ee diidanaa qodobadii ay soo saareen kal hore Golaha wadatashiga Qaran, kaas oo laga soo saaray lix qodob oo ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya.