Faahfaahin Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Gedo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwayne kuxigeenka dowlad goboleedka jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlayay amniga guud ee gobolka gedo oo lagu qabtay degmada luuq

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay xildhibaano katirsan barlamanka dowlada federalka somalia xubno katirsan labada gole ee dowlad goboleedka jubbaland maamulka gobolka gedo kan degmada luuq saraakiisha laamaha amniga degmada iyo kuwa nabad ilaalinta ATMIS.

Shirka ayaa inta badan waxaa diirada lagu saaray sare uqaadista la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee gobolka gedo.