Galmudug oo sikulul uga jawabtay edayn kaga timid dowlad deegaanka Somalida

MUQDISHO_AYAAMAHA- Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo uga yimid Hoggaanka Nabadgalyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, taas oo ah inuu ku lug lahaa dagaal shalay ka dhacay meel u dhow degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka, oo la sheegay in lagu dilay ilaa iyo 12 qof.

Waxaa uu maamulku sheegay, in arrintaas ay u dhaxeysay dad wada dega kililka, isla markaana aanay jirin ciidamo ka socda Galmudug oo u talaabay dhanka Itoobiya oo ay xad wadaagaan.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhoow oo wareysi siiyay BBC da ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo ka socda Maamulka Galmudug oo qayb ka qaatay dirirtaasi dhex-martay labada beelood ee halkaasi wada dega.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inaysan jirin wax xiriir ah oo oo dowlad degaanka ay lasoo sameeyeen Maamulka GFalmudug, kaasi oo ku aaddan colaaddaasi iyo sidii labada dhinac uga wadaqasheyn lahaayeen nabadeynta degaankaasi.