General Sheegow oo xabsi loo taxaabay iyo beesha uu kasoo jeedo oo banaan baxyo xoogan sameeyay

MUQDISHO_AYAAMAHA– Magaalada muqdisho ee caasimada Somalia xalay waxaa ka dhacay dagaal udhaxeeya ciidamada dowlada Somalia iyo ciidamo uu wato general sheegow

Ciidamada dowlada ayaa  saacado badan ka  dib soo afjaray dagaalka

Beesha uu kasoo jeedo general sheegow ayaa banaanbax ay sameeyeen ku dalbaday in xoriyadiisa loo soo celiyo sheegow

Siyaasi Siidow ayaa yiri ” hadiiba general kenii saas loogalayo ciidamadu haka soo baxeen furimaha dagaalka ”

Afhayeenka ciidanka booliska Somalia ayaa  sheegay in Sheegow Xasan Cali uusan aheyn Generaal, darajada ugu diiwaangashan dowladdana ay tahay kaptan, wuxuu intaasi ku daray  in Sheekhow mar hore laga rusqeeyay ka mid ahaanshaha ciidanka qalabka sida,

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Sheekhow Xasan Cali ku eedeeyay in sargaalkaan uu gurigiisa keyd iyo gabaad u ahaa shaqsiyaad dhac iyo rabshada ka geysta caasimada dalka.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in 12 qof siyaabo kala duwan mobile looga dhacay xaafadda uu degmada Dharkeynleey ka deganyahay sarkaalkaan la rusqeeyay, iyadoo Afhayeenka Booliska uu xusay in Guriga sargaalkaan laga helay lacagaha la dhaqa.

khasaaraha dhimashada waa laba ka mid ah Maleeshiyada weerarka soo qaaday iyo Askari ka tirsan ciidanka xasilinta caasimada, halka Dhaawacana uu gaarayo  ilaa 7 ruux, waxa uuna intaasi raaciyay in   Shacabka wax khasaara ah aysan ka soo gaarin howlgalkaasi.