Golaha Wasiirada Somalia oo heshiis ansixiyay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre,.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay la dagaalanka Alshabaa  in loo midoobo.