Guddiga doorashooyinka puntland oo gudoomiye & gudoomiye kuxigeen maanta dooranaya

MUQDISHO_AYAAMAHA- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntand ee PEC ayaa lagwadaa inuu noqdo Fu’ad Abshir Adeer oo ka tirsanaa Xisbiga KAAH.

Xubnaha u badan ee gddigan oo ay soo magacaabeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyhaha baarlamaanka ayaa hadda wararku sheegayaan in ay doonayaan guddoomiye ku-xigeen loo magacaabo Faadumo Siciid Axmed oo maalintii shalay Maxkamadda sare hakisey xubnimadeedi, kadib markii ay sheegtey in dacwad laga keenay. Marwo Faadumo waxaa soo magacaabey ururka Shaqaalaha.

Ma cadda in Maxkamadda sare ka noqotey go’aankeedi hakunta xubinimada Faadumo Siciid iyo in kale.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa sidoo kale doonaaya xubno ay soo magacaabeen ururada Sincad iyo Mustaqbal kuwaaas oo heshiis iskaashi hadda la galay Xibiga Kaah.

Xubnaha kale ee damacu kaga jiro waxaa kamid ah, Axmed Jaamac, Cabdisalaam Bashiir iyo Ubax Cabdullaahi, maanta ayaa la ogaanayaa cidda ku guuleysata.

Tirada PEC oo la gaarsiiyey 14 xubnood waxaa ka maqan Xisbiga mucaaradka ah ee Mideeye oo dacwad u gudbistey maxkamadda dastuuriga ataas oo ilaa hadda aan la qaadin iyo urur siyaasadeedka Horseed.