Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dalka Jabuuti

MUQDISHO_AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha, ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan ah uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf, ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ee ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.