MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay howlaha lagu xoojinayo Doorashada Qof iyo codka ah ee la filayo in uu Guddigaas dalka ka qabto.
Cabdikariin ayaa tilmaamay in deegaannada ay tageen kusoo arkeen qaybaha kala duwan ee Bulshada kaddib markii ay ka xog-dhageysteen ay usoo baxday doonistooda la xiriirta doorasho qof iyo cad ah sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in ay qabaneyso Doorasho Qof iyo Cod ah, Xubnaha Mucaaradka ah ee diidan Doorashooyinkaas ama shakiga gelinaya ayaa ku dooday in aanay xiligaan qabsoomi Karin doorasho Dadweyne.