Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo qaabishay Madax ka socotay Max Planck

MUQDISHO_AYAAMAHA-  Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa qaabishay Madaxa Mashaariicda Hay’adda Max Planck Mudane Jan Amilcar Schmidt iyo La-taliyaha Sare ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Cusmaan Yusuf.

Kulanka intii uu socday waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf Iidow iyo Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan  Maxamuud Cabduqaadir Xaaji “Jeego”

Guddoomiyaha ayaa Madaxda Max Planck kala hadashay nidaam ugu habboon ee Haweenka uga qeybqaadan karaan jagooyinka la isku doorto iyo kuwa la isu magacaabo.

Guddoomiye Sacdiya ayaa gunnaanadkii kulanka u mahadcelisay Hay’adda Max Planck oo Baarlamaanka kala shaqeysa dhanka La-talinta Sharciga iyo Tababarada Guddiyada Golaha Shacabka, Kutladda Haweenka iyo Howlwadeennada Golaha Shacabka.