MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida ay sheegayaan ilo loo qaateen ah, Madaxda Soomaaliya ee hadda xilka haysa – heer Fedral iyo heer Dowlad gobolleed ayaa doonaya in ay sameystaan muddo kordhin, taas oo durba guux siyaasadeed ka dhex abuurtay siyaasadda.
Sida la filayo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada ee hadda ku shirsan Muqdisho ayaa soo saari doona go’aan ku aaddan in aysan dalka ka dhici doonin wax doorasho ah inta laga gaarayo dhamaadka sanadka 2025.
Tallaabadaan ayay Madaxdu u sababeyn doonaan in laga fugaanayo ka mashquulidda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hayeeshee, xogo ay heshay Warqaad waxa ay muujinayaan in siyaasiyiin caan ah durba dood ka keeneen damaca muddo kordhinta.
Siyaasiyiintaan oo saaxiib-dhow la ahaa Madaxweyne Xasan, kana mid ah xubnihii ugu firfircoonaa Golohii Midowga Musharixiinta ayaa si hoose looga soo wariyay in aan raalli laga noqon karin in MW Xasan maanta sameeyo muddo kordhin uu shalay diiddanaa.
Muddo xileedka Madaxweynaha Koofur galbeed, ayaa ku eg 19-ka December 2022 oo ay ka dhiman tahay kaliya 52 cisho sida sharciga ah, hayeeshee, hindisaha hadda socda ayaa Laftagareen siinaya inuu xilka sii joogo muddo saddex sano ah.
Sidoo kale muddo xileedka Madaxweynaha Puntland ayaa ku eg 8-da Janaayo 2023 oo ay ka dhiman tahay wax ka yar 80 cisho, hayeeshee, isna wuxuu heli doonaan ku dhawaad muddo Saddex sano ah, haddii Madaxdu meel mariso muddo korta.
Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa qudhooda sameystay min hal sano oo dheeraad ah, fursad hor leh ayayna u sii tahay muddo kordhintu, xilli Madaxweyne Xasan qudhiisu qalinka ku duugan doono sanad dheeraad ah.
Ma cadda sida ay madaxda muddo kordhinta sameysaneysa u qancin doonaan, siyaasiyiinta u taagan in ay u tartamaan kuraasta maamul gobolleedyada ugu sarreysa iyo kuwa dhawaan looga adkaaday doorashada kursiga ugu sarreeya dalka.
Villa Soomaaliya waxa ay sheegtay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo shalay furmay looga hadlayo dardargelinta dagaalka Al-Shabaab dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo dib u heshiisiin.