Hawgal ciidamada dowlada Somalia ka fuliyeen gobolka shab

MUQDISHO_AYAAMAHA-Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha horkacaysa Howgalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay dileen 27 ka tirsan al-shabaab ka dib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen Beertaan

Sidoo kale Howlgalka waxaa lagu burburiyay saanad Ciidan iyo fariisimihii al-shabaab ee ku yaalay halkaas.

Dhinaca kale xubno klae oo k atirsan al-shabaab ayay sheegtay dowladdu in  lagu dilay howlgal qayb ka ahaa Howlgalka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra.