Hay,adda NISA oo shaacisay saraakiil Alshabaab ka tirsan oo ay ku dishay Awdheegle

MUQDISHO_AYAAMAHA- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee kooxda Al-Shabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubinta 7-aad ayey NISA sheegtay in lagu dilay deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud, oo u dhow magaalada Dhuusomareeb, 11-kii September.

NISA waxay sheegtay in howl-gallada lagu dilay xubnahan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.
Xubnaha ay shaacisay NISA ayaa kala ah:

1- Sheekh Cabdullaahi, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
2- Cali Timajilic, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
7- Axmed Cali Daahir Shuuke, oo lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada hay’adda NISA. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan ka jawaabin warka kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya.