Hindiya Oo Laga Billaabey Olole La Magac Baxay “Jihaadka Jacaylka”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ayaa sheegaya in haweeney Hindu ah si qasab ah looga soo waday ninkeeda oo Muslim an isla markaana laga yaabo inay ilmo ka soo dilmeen, arrintaas oo tooshka ku ifisay kala qeybsanaanta ka dhalatay sharciga ka jira Hindiya ee mamnuuca in qofka diintiisa laga beddelo.

Horraantii bishan, muuqaal arrintan ku saabsan ayaa aad la iskula dhex marayay gudaha Hindiya.

Muuqaalka ayaa muujinaya koox rag ah, oo masarro oronji ah qoorta ku duubtay, oo qadaanqadinaya haweeney gudaha magaalada Moradabad ee gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh.

“Dadka adiga oo kale ah ayaa sababtooda loo soo saaray sharcigan,” mid ka mid ah ragga ayaa sidaa ku canaananaya.

Raggan ayaa ka tirsan Bajrang Dal, oo ah koox Hindu mayal adag oo taageera xisbiga Ra`iisul Wasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP).

Sharciga ay ka hadlayaan waa mamnuucidda in qofka si aan sharci ahayn looga beddelo diinta kaas oo gobolku uu dhowaan dhaqan geliyay iyadoo lagu beegsanayo “jihaadka jaceylka” – oo ah eray Islaam nacaybnimo ay ku dheehan tahay oo ay kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga ula jeedaan in ragga Muslimiinta ay gabdhaha Hinduuga ah muslimiyaan iyagoo guursanaya.

Dhacdada muuqaalka ayaa dhacday 5-tii December. Kooxda Bajrang Dal ayaa haweeneyda 22 jirka ah, ninkeeda iyo walaalkiis u gacan geliyay booliiska, oo kaddib u diray gabadha xarun ay dowladdu maamusho isla markaana xiray nimankii la socday.

Maalmo kaddib, haweeneyda, oo uur toddoba isbuuc ah lahayd, ayaa sheegtay inay ilmaha ka soo dilmeen intii ay xabsiga ku jirtay.

Horraantii toddobaadkan, maxkamad ayaa u oggolaatay inay ku laabato guriga ninkeeda kaddib markii ay maxkamadda u sheegtay inay tahay qof qaan gaar ah ayna ninka Muslimka ah ku guursatay dookheeda. Ninkeeda iyo dumaashigeed ayaa weli xabsi ku jira.

Wareysiyo lala yeeshay Isniintii, ayaa waxay shaqaalaha xarunta ku eedeysay inay si xun ula dhaqmeen iyo intii cabashooyinkeedii hore ee ahaa inay xanuun ka dareemeyso caloosha la iska indho tiray. Xarunta ayaa beenisay eedeymaha.