Imaaraadka oo xayiraadii dal ku galka ka qaaday Nigeria

MUQDISHO_AYAAMAHA- Nigeria ayaa u riyaaqday in dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ka qaado xayiraad ka saarnayd dal-ku-galka ama fiisaha dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay toddobaadkan yeesheen madaxweynayaasha Nigeria Bola Tinubu iyo Isu-taga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sidoo kale Imaaraatka la gaaray heshiis maalgashi oo ku kacaya balaayiin dollar, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi Nigeria