Is barbar dhig lagu sameeyey jabkii Maraykanka ee Vietnam iyo ka bixitaankiisa Afghanistan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli uu Maraykanka shaqaalihiisa kala baxayay caasimadda Afghanistan, ayaa waxaa baraha bulshada aad loogu wadaagay muuqaalka diyaarad dad ka daadgureyneysa Kabul.

Muuqaalkaas ayaa soo celiyay xusuus hore oo sidan oo kale ugu dhacday Maraykanka.

Sanadkii 1975, sawir-qaade Hulbert van Es ayaa baahiyay muuqaalka dad ku xoomay diyaarad helicopter ah oo dul fadhiday dabaq ku yaal magaalada Saigon ee Vietman. Xilligaas waxaa soo afjarmay dagaalkii Vietnam.

Dad falanqeeya siyaasadda iyo xildhibaannada Maraykanka ee labada xisbi ayaa sheegay inay isu eg yihiin wixii 46 sano ka hor ka dhacay Saigon iyo qabsashada Taliban ee Kabul.

Maxaa ka dhacay Saigon?

Dagaalkii Vietnam ayaa u dhexeeyay xukuumaddii Shuuciga ahayd ee Waqooyiga dalkaas iyo maamulkii ka jiray Koonfurta ee uu taageerayay Maraykanka.

Waxa uu ahaa dagaal daba-dheeraaday oo socday ku dhawaad 20 sano, isla markaana ay si weyn ugu kala qeybsameen shacabka Maraykanka.

30-kii April 1975 ayaa magaalada dalkaas ugu weyn ee Saigon isla markaana ahayd caasimadda Koonfurta waxaa dagaal kula wareegay xooggagii Shuuciga ahaa ee waqooyiga ee loo yaqaanay Viet Cong.

46 sano ka hor iyo Saigon

Colaadda Vietnam ayaa ku soo beegantay xilli uu meel adag marayay dagaalkii qaboobaa, waxaana labada dhinac kala taageerayay Midowgii Soofiyeet iyo Maraykanka. Xukuumadda Washington ayaa dagaalka uga qeyb qaadaneysay boqolaal kun oo askari.

Maraykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Koonfurta Vietnam sanadkii 1973, laba sano kadibna waxaa gacanta Waqooyiga gashay Saigon oo markii dambe loo baxiyay Ho Chi Minh, oo loogu magac-daray hogaamiyihii Waqooyiga Vietnam.

Si lamid ah Kabul, Saigon ayaa si degdeg ah oo uusan Maraykanka fileyn gacanta ugu gashay xooggagii Waqooyiga.

Maraykanka ayaa xilligaas Saigon ka daadgureeyay dad ka badan 7,000 oo isugu jira muwaadiniintiisa, dad u dhashay Koonfurta Vietnam iyo ajaanib kale, waxaana uu safaaraddiisa uga daabulay diyaarad Helicopter ah. Hawlgalkaas ayaa loo baxshay Operation Frequent Wind.

Ma la isbar-bar dhigi karaa labada dhacdo?

Dabayaaqadii dagaalkii Vietnam ayaa dad badan oo Maraykan ah waxa ay si weyn u dhaliileen dhaqaalaha badan ee ay Washington ku bixisay colaaddaas iyo weli muwaadiniintooda ka badan 58,000 ee ku naf waayay colaadda.

Dadka qaar aya au arkay qabsashada Saigon weji-gabax uu Maraykanka kala kulmay saaxadda siyaasadda caalamka.

Sanadihii xigay, waxaa aad u batay shacabka Maraykanka ee diiddan in ciidamadooda ay ka dagaallamaan dibedda dalkooda.

Visual search query image

Xildhibaanno badan oo Maraykan ah ayaa isbar-bar dhigay Saigon iyo Kabul.

“Tani waa Saigon-tii Joe Biden. Waa guuldarro fool xun oo Maraykanka uusan hilmaami doonin,” ayay Twitter-ka ku qortay Elise Stefanik oo ah gudoomiyaha aqalka wakiillada u qaabilsan xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga.

Bishii la soo dhaafay, Jenaraal Mark Milley, oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay isbar-bar dhigga laba dhacdo.

“Waan khalmadi karaa, balse Taliban ma aha ciidamadii Waqooyiga Vietnam. Xalaadduna lamid ma aha tii waagaas,” ayuu yiri jananka.

Balse waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya labada dhacdo. Saigon waxaa la qabsaday laba sano kadib markii ay ciidamada Maraykanka ka baxeen Vietnam, halka Taliban ay Kabul soo galeen xilli uusan Maraykanka si buuxda uga bixin Afghanistan.

Su’aalo ayaa la iska weydiinayaa waxa ay arrintan u dhimmi karto sumcadda siyaasadeed ee madaxweyne Joe Biden oo hirgeliyay qorshaha uu Maraykanka uga baxato Afghanistan.

BBC