Jamhuuriyada oo wada mooshin xilka looga xayuubinayo Biden

MUQDISHO_AYAAMAHA- Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ayaa Talaadadii shalay shaaciyay, in aqalku uu billaabayo baaritaan xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne Joe Biden.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, islamarkaana ra’yul-caamka shacabka u jiheynaya dhanka Aqalka Cad, xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda