Jowhar waxaa ka dhacay dab qasaare gaystay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dab khasaare badan dhaliyay ayaa xalay saq-dhexe ka kacay suuqa Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana soo baxaya warar dheraad ah oo ku aaddan dabkaasi kacay.

Wararka ayaa tilmaamaya in Xalay dab aad u xooggan uu qabaday suuqa Magaalada, gaar ahaan Suuqa loo yaqaanno Hanti-wadaag, waxaana ku gubatay hanti aad u badan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa sidoo kale Muujinya baaxadda iyo sida uu u xoogganaa dabkaasi ka kacay suuqa magaalada Jowhar.

Hanti aad u badan ayaa ku bas-beeshay dabkaasi, waxaana jira qaar ka mid ah hantida suuqa taallay oo la bad-baadiyay, waxaana dabku uu saacado kooban burburiyay goobo ganacsi sida la sheegay uu si xowli ah u uku gaaray dabku.

Dadaallo la sameeyay oo lagu daminayay dabkaasi ayaa ugu dambeyntii lagu guulaystay, waxaana laga hor-tagay in dabkaasi uu kusii faafo qaybaha kale ee suuqa Magaalada.

Khasaaraha rasmiga ah wali lama caddayn, balse waxaa la sheegay in hanti aad u badan uu martay dabkaasi xalay ka kacay suuqa magaalada Jowhar.