
Kismaayo – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa martigelinaysa shirweyne siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo ay isugu imaanayaan xubno ka tirsan mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha ku mideysan Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay ku mideysan yihiin Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa la qorsheeyay inuu si rasmi ah u furmo maalinta Khamiista ee soo socota, iyadoo wafduud kala duwan ay maanta oo Arbaca ah kusoo wajahan yihiin magaalada Kismaayo.
Wafuudda maanta la filayo inay gaaraan Kismaayo waxaa kamid ah wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, , iyo wafdi kale oo uu hoggaaminayo . Sidoo kale, waxaa la filayaa inay maanta magaalada soo gaaraan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Saacid Shirdoon Saacid, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Qorshaha shirka ayaa tilmaamaya in maalinta Khamiista si rasmi ah loo furo, iyadoo lagu gorfeeyn doono arrimo siyaasadeed oo muhiim ah, kuwaas oo la xiriira xaaladda guud ee dalka, hannaanka siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka ee Soomaaliya.
Jimcaha waxaa loo asteeyay maalinta nasashada, halka Sabtida la qorsheeyay in la shaaciyo warmurtiyeed rasmi ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirka.
Magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga dareemayaa diyaargarowga shirkan, waxaana socda qabanqaabo ballaaran iyo kulamo hordhac ah. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin goobta uu shirka ka furmi doono, haddana ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in ammaanka si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo ka-qaybgal heer sare ah.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan dooddo siyaasadeed oo xooggan, waxaana la rumeysan yahay in go’aannada kasoo baxa ay saameyn muuqata ku yeelan doonaan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda.










