Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo nabadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqaya qorshe nabadeed oo lagu joojinayo dagaallada beelaha.
Maamulka Koonfur Galbeed oo bilaabay qorshe cusub oo lagu joojinayo colaadaha beelaha iyo faafinta naceybka.

(Baydhabo, Soomaaliya) — Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu adkeynayo nabadda iyo isla xisaabtanka bulshada, kadib markii ay soo kordheen eedeymo ku saabsan dad lagu tuhunsan yahay inay hurinayaan colaado iyo aargoosi beeleedyo ka socda gobollada maamulkaasi hoos yimaada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-Heshiisiinta Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin adag oo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah dadka faafinaya hadallo naceyb ah ama abaabulaya rabshado horseeda dhiig-dhur iyo burbur bulsho.
“Ma oggolaan doono in qof ama koox ay carqaladeeyaan dadaallada nabadeed ee socda. Cid kasta oo lagu helo inay hurinayso colaad ama kicin rabshado waa in sharciga la marsiiyaa,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay warfidiyeenada.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay inuu wadahadallo nabadeed la yeeshay odayaasha dhaqanka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo noqnoqda ee ka dhaca deegaanada Diinsoor, Berdaale iyo Qansaxdheere.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo dagaalladii dhowaan ka dhacay deegaanka Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh.
Wasaaraddu waxay sidoo kale uga digtay dadka ku nool meelaha ka baxsan goobaha colaadda, kuwaas oo baraha bulshada ku faafinaya fariimo kicin ah, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah la aqoonsaday, lana wado baaritaano rasmi ah.
“Dowladdu waxay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, iyo la-dagaallanka kuwa ku hawlan burburinta xasilloonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Ugu dambayn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan dadaallada nabadeed, isla markaana ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan hay’adaha amniga cid kasta oo isku dayda inay dib u huriso colaadaha beelaha.