MUQDISHOAYAAMAHA-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga furmay shir xasaasi ah oo looga hadlaya waxaabaha muhiimka ah ee horyaala Golaha
Kulanka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.