Labo Beelo horay ugu dagaalay xadka gobalada hiiraan & shabeelada dhexe oo heshiis hordhaca gaaray

MUQDISHO_AYAAMAHA– Wafdi isugu jira heer Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure oo maalmahan u joogay xalinta khilaaf iyo dagaalo ka jiray xadka u dhexeeya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa deegaanka Qoryaale kusoo gabagabeeyay wajiga koobaad ee xalinta khilaafkaas.

Wafdiga ayaa ku guuleystay in ay isku keenaan waxgaradka beelaha walaalaha islamarkaana waxaa xal hor dhac ah laga gaaray dhimashadii meeshaas ka dhacday waxaana lagu heshiiyay in diyo lakala qaato.

Wafdiga ayaa dadaal ku bixinaayo in xal waaro laga gaaro khilaafka iyo dagaalada ka jiro deegaanadaas, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay siwey looga dareemay xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa soo dhaweeyay heshiiska horudhaca ah ee laga gaaray colaada soo laab laabatay, iyaga oo uga mahad celiyay kaalinta uu qaato dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa meelo badan oo kamid ah dalka waxaa kusoo batay colaad beeleedyada, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dhibaato ku yihii la dagaalanka Al-Shabaab.