
(Muqdisho, 25 Oktoobar 2025) — Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareysay xarigga iyo afduubka lagu hayo saddex hooyo oo Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo toban cisho ah ku xiran saldhigga degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.
Hooyooyinka la xiray ayaa lagu kala magacaabay Marwo Samsam Cumar Cali, Marwo Xabiiba Cabdi Cali, iyo Marwo Raaxo Xasan Jimcaale. Madasha ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo sii daayo hooyooyinkan, iyadoo sheegtay in xariggoodu yahay ku xadgudub xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida ku xusan qodobbada dastuurka ee damaanad qaadaya xorriyadda ra’yiga, kulanka, iyo nabad-gelyada qofka.
War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu xusay in hooyooyinkan la xiray kadib markii ay ka dhiidhiyeen barakicin iyo dhul boob lagula kacay degaankoodii Suuqa Siinaay. Madashu waxay sheegtay in dowladdu hadda qorsheyneyso in 45 cisho oo xabsi ah lagu sii kordhiyo muddada xabsigooda, taas oo ay ku tilmaameen “awood sheegad iyo dulmi aan la aqbali karin.”
Madasha waxay tilmaamtay in ay nasiib-darro tahay in hay’adihii amniga iyo garsoorka ee looga fadhiyey caddaalad ay hadda u adeegayaan danaha shakhsiyaad garab ka hela madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada. Madashu waxay madaxda dowladda ku wargelisay in caddaalad-darradu ay tahay sababta ugu weyn ee horseedda burburka qaran iyo abuurta jawi ay argagixisadu ku kobocdo.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ugu dambayn ugu baaqday hay’adaha garsoorka, ururrada bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed in ay codkooda ku biiriyaan dalabka lagu doonayo in si degdeg ah xorriyadda loogu soo celiyo hooyooyinkan.









