Madax ka socoto ECOWAS oo kulan ka yeelanaya xiisadda wadanka Niger

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxda militariga ee ka socda ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa in 17-18-ka bishaan ay kulan ku yeeshaan dalka Ghana, si looga hadlo suurtagalnimada faragelin militari oo lagu sameeyo dalka Niger.

Kulanka la qorsheeyay in uu dhoco maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee soo socda ayaa yimid, ka dib markii madaxda ururka ay todobaadkii hore ansixiyeen in dalka Niger loo diro xoog heegan ah si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah ee Niger iyo madaxweynaha dalkaasi oo la eryay.

Qabsoomidda kulankaan ayaa markii hore loogu talagalay in sabtidii la soo dhaafay uu ka dhoco Accra balse waxaa dib loo dhigay todobaadkaan iyadoo ECOWAS ay wadeen dadaallo ay kula xaajoonayaan militariga uu hogaamiyo Abdourahmane Tchiani ee.

Madaxda Mileteriga Niger ayaa horay u diiday codsiha hoggaaamiyaasha Galbeedka Afrika oo ah dib u soo celinta madaxweyne bazoom iyo dastuurkii Niger,waxayna xireen hawada dalkaasi

Dalalka reer Galbeedka ,gaar ahaan wadanka Faransiiska ayaa dadsaal ugu jira soo celinta Madaxweyne Mohamed Bazoum oo la doortay  20210kii,taasoo ka dhigan in uu yahay madaxweynihii uhu horeeyay oo si nabad ah xilka ula wareega tan iyo markii Niger ay xornimadeeda ka qaadatay Faransiiska 1960-kii.