Madaxweynaha Jubbaland oo laga dalbaday in uu shaaciyo liiska Musharixiinta Aqalka Sare

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga doorasha dowlad goboleed Jubbaland ayaa u gudbiyay codsi qoraal ah Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam kaas oo ay kaga codsanayaan inuu guddiga usoo gudbiyo liiska magacyada tartamayaasha aqalka sare.

Waxaa la fillayaa  maalmaha soo socda in Jubbaland ay ka bilaabanto doorashada Aqalka Sare, iyadoo lagu salaynayo Jadwalkii dhawaan Soo baxay.

Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya inay bilaabi doonaan, iyaga oo waqtiga ilaalinaya doorashada Aqalka sare, balse ay jiraan weli caqabado horyaalla doorashada.

Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaa dhanooda waxaa ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada, iyada oo Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed lagu wareejiyay qalabkii lagu qaban lahaa dooorashada Aqalka Sare..