GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeen hore kala direy golihii deegaanka ee Garowe, isagoo madaxweynuhu sheegay in uu arrintaa uu u cuskaday warbixin katimid xafiiska Hantidhawrka Guud ee dowladda Puntland.
Waxaa tallaabadaasi sharciga darro ku tilmaamay guddoomiyihii golaha deegaanka Garowe, Axmed Siciid Muuse, oo BBC-da u warramay.
Axmed Siciid, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu sharaftiisa meel uga dhacay, isagoo guddoomiyaha uu tilmaamay inuu qareen qabsan doono.
Guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in waxa uu kasoo horjeedo ay tahay in la kala diro golaha deegaanka ee magaalada Garoowe