
Garoowe, 25 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Osmaan Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirizaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), xubno ka tirsan goleyaasha Puntland, isimada dhaqanka, saraakiil madaxtooyo, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Deni ayaa khudbad uuka hor jeediyay golaha wakiilada ayuu uga hadlay waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay, isagoo si gaar ah diiradda u saaray dhinacyada amniga, guulaha uu sheegay in laga gaaray hawlgallada ciribtirka waxa ay ugu yeereen argagixisada ee ka socda buuraha Calmiskad, tayeynta ciidanka booliska, iyo adeegyada kale.
Deni ayaa sidoo kale xusay dadaallada lagu horumarinayo arrimaha bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo nabadeynta gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceergaabo. Wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa xaaladda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo amni ee haatan taagan.









