Madaxweyne Putin oo baajiyay socdaal uu ku tegi lahaa Koonfur Afrika

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa joojiyay socdaal uu ku tagi lahaa Dalka Koonfur Afrika, isagoo ka fogaanaya inay xirto maxkamadda ICC oo horey usoo saartay amar lagu xirayo, maaddama ay Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka saxiixay maxkamadda dambiyada caalamiga ICC ay ku qasbantahay inay xirto Putin.

Putin ayaa uga qeybgali lahaa Johannesburg, shir madaxeedka  BRICS, kaa oo ay goobjoog u noqon doonaan madaxda Brazil, India iyo Shiinaha, balse Ruushka waxaa ku matalaya Wasiirka Arrimaha dibadda , Sergey Lavrov.

BRICA waa koox ka mid ah waddamada dhaqaalahoodu soo korayo kuwaas oo dadka qaar ay u arkaan bedelka kooxda G7 ee dhaqaalaha horumaray.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayaa iyadoo saacado kahor madaxweynaha Koonfur Africa uu sheegay in isku dayga xeritaanka Putin inta uu ku sugan yahay dalkiisa uu lamid yahay Ruushka oo la weeraray oo kale.

Waxaa muuqaneyso inuu jiro cadaadis la saaray dalkaan reer Galbeedka ay sida weyn u maalgashadeen, taasi badalkeedana Putin wuxuu Bisha Agoosto tagayaa dalka Turkey.