Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania, uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharraxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.
“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.