Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan go’aansanay inaan kaashano shacabka Soomaaliyeed, inta aan sugi lahayn kaalmo shisheeye”,

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Alshabaab ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka,islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay go’aansadeen in iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed la qaado dagaal ka dhanka Alshabaab halkii la sugi lahaa kaalmo shisheeye iyo ATMIS. Dagaalkaas oo ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadweynaha Soomaaliyeed laga gaaray guulo waa weyn oo Alshabaab looga xoreeyay dhul ballaaran oo hadda nabad iyo horumar laga dareemayo.

“Waxaan go’aansanay in aan kaashano shacbiga Soomaaliyeed halkii aan sugi laheyn kaalmo shisheeye iyo AMISOM, Abaabul badan kadibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in Shacbiga uu dagaalka Khawaarijta qeyb ka ahaa,”.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in argagixisada laga sifeeyay deegaannada iyo degmooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo laga bilaabay wejiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, Alle mahaddiina hadda shacabka labadaas maamul ay hoos harsanayaan necoowda Dowladnimada.

” Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhul  meeshaas ka bilowba, meel wanaagsan ayuunna marayaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha oo muddo bil ka badan Dhuusamareeb iyo furimaha dagaal u jooga sidii looga miira dhalin lahaa aragtida ah in Al-shabaab laga ciribtito dalka ayaa ku dhiirageliyay geesiyaasha dalka iyo xooggaga dadweynaha in ay dadaalkooda sii laba jibaaran,islamarkaana ay dhow yihiin maalmihii wacnaa iyo mira dhalka halgankooda barax tiran.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday inuu dagaalka sii socon doono, ciidankana ka noqon doonin goobaha hadda Alshabaab laga xoreeyay.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa.”