Magaalooyin dhowra oo galmudug ka tirsan oo aan xalay laga xusin sanad-guurada maamulkaas waa maxay sababtu ?

CAABUDWAAQ-AYAAMAHA-Habaynimadii xalay magaaloyinka Galkacyo & Dhuusamareeb ayaa siwayn looga xusay Sanad guuradii 17aad ee kasoo wareegatay Aas aaska maamulka galmudug .

Hasa-yeeshee deegaano badan oo Kamida maamulka galmudug ayaan xalay gabi-ahaanba laga xusin sidoo kale xitaa aan laga dareemin sanad-guuro maamul-goboleed

Magaaloyinkaas waxaa Kamida Caabudwaaq , balanbale , dhabad , guriceel iyo magaaloyin kale oo hoos taga maamulka galmudug

Dadka deeganadaan ayaa ku an-dacoonaya in galmudugta ay ka tirsanyihiin ay tahay tii cadaado lagu Aas aasay magaalada cadaado oo sanad-guuradeedu ay kasoo wareegtay 8 sano

Arintani ayaa ah qilaaf dhanka xiligii maamulka la dhisay ah ayadoona galmudugta xalay la xusay ay tahay mid ay ku midays-naayeen magaalooyin kooban xaruna ay u ahayd magaalada Galkacyo

Halka tan ay magaaloyinka xalay Aan lagu xusin ay ku midoobeen at tahay galmudugtii la dhisay 2015 kii Ee cadaado lagu dhisay ayna marka taariikhda dib loo eego ay ku beegantahay dabaal-dageedu bilaha hore Ee Sanadka.