Mahad Maxamed Salad oo qorsheynaya in isbadello kale oo waaweyn ku sameeyo hay’adda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka [NISA] Mahad Maxamed Salad, ayaa qorsheynaya inuu is-badello waaweyn ku sameeyo hay’adda, taasoo tabashooyin xooggan laga muujinayay shantii sano ee la soo dhaafay, gabood-fallo xooganna ay ku galeen shaqsiyaadkii hoggaanka u ahaa xilligaas.

Sida ay caddeynayaan xogo soo baxaya, Mahad ayaa is-baddelada uu sameynayo ka billaabaya magaca hay’adda, kaasoo hadda ah, National Intelligence And Security Agency, loona baddeli doono, Federal Intelligence And Security Agency, taasoo la micno ah in laga guuri doono magicii NISA, ee danbiyada lagu galay, loona guuri doono magaca FISA.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale isku diyaarinaya in muddada uu hayo xilka ugu sarreeya hay’adda, la sameeyo sharci rasmi ah oo hay’addu ku dhisan tahay, maadaama aysan hore u lahayn wax sharci ah, wuxaana la rumeysan yahay in NISA, lagu soo celin doono shacabnimadeedii iyanoo noqon doonta laan ka madax bannaan siyaasadda.

Marka laga yimaado qorshayaasha muqstaqbal, Mahad, wuxuu is-beddel muuqda ku sameyn doona hoggaanka ciidanka NISA, oo u badan saraakiil uu Fahad Yaasiin xilal ku tixay, wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaadi doonaa ururrada Waran, Gaashaan iyo Duufaan ugu horreeyaan, kuwaas oo sanadihii danbe mushkilada qeyb ka ahaa.

26 May 2022, ayaa Mahad Salaad loo magacaabay Taliyaha NISA, Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaana ansixiyay soo jeedintii Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, halka uu Axaddii shalay si rasmi ah ula wareegay shaqada xafiiska, kadib manaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Habar khadiijo.

Mahad Salaad, wuxuu hormuud u ahaa, Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad, kuwaas oo Madaxweynihii hore Farmaajo, si weyn uga soo hor jeeday, si aan gambad lahaynna u carabaabi jiray qaladaadka hoggaanka NISA galo, waxaana isha lagu hayaa sida uu u maamulo hay’addii uu khaladaadkeeda Baarlamaanka ka dhex sheegi jiray.