Maxaa ardayda jaamacada Afrika looga reebay barnaamijka fiiso la’aanta UK?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hannaanka cusub ee fiisaha UK oo ujeedku yahay in lagu soo jiito dadka heerka sare ka gaaray aqoonta ayaysan ku jirin jaamacadaha Afrika kuwa diiwaangashan ee ardayga ka baxa uu ka faa’iideysan karo nidaamkan cusub ee fiiso la’aanta lagu galayo UK, loogana shaqaysan karo shuruud la’aan.

Dad badan ayaa cabasha ka muujiyay in jaamacadaha Afrikaanka ah aysan ku jirin diiwaanka jaamacadaha la doonayo, inkasta oo qofka Afrikaanka ah ee dhigta jaamacadaha diiwaanka ku jira ay ka faa’iideysan karaan hannaankan.

Sida loo qorey diiwaanka jaamacadaha ugu wanaagsan ee adduunka ayaa ka dhigan in wax jaamacad Afrikaan ah aysan soo galin.

Si qofka uu u helo fursaddan cusub ee fiiso la’aanta ah waxaa qasab ah in uu dhigtay mid ka mid ah 50-ka jaamacadood ee adduunka ugu wanaagsan sida ku xusan Qiimeynta Jaamacadaha ee loo yaqaano Times Higher Education World Universities Rankings, Quacquarelli Symonds World University Rankings, ama The Academic Ranking of World Universities.

37 jaamacadood ayaa ku jira liiskaasi, intooda badana waa Maraykanka, qaar Yurub ahina waa ku jiraan iyo Asia.

“Qiimeynta noocani ah waxa ay tixgalin siisaa shuruudo u hiilinaya jaamacado la asaasay boqolaal sano ka hor, kuwaas oo haysta qarashaad badan oo lagu kabo” ayay tiri Amina Axmed Al Imam oo ka tirsan jaamacadda Ilorin ee dalka Nigeria, taas oo u warantay majalladda New Scientist.

“Maadaamaa aan ahay qof Nigeria ka yimid, shahaadada PhD-gana ku diyaariyay Britain, waa arrin niyad jab ah in ay weli jiraan nidaamyo gacan bidxeynaya dadka Afrikaanka ah” ayay intaasi ku dartay.

“Ma waxa ay ka dhigantahay in uusan jirin qof jaamacad Afrikaan ah ka qalin jabiyay oo leh xirfad iyo aqoon sare?”. Ayay is weeydiisay Aamina.

Aqoonyahano kale ayaa qanacsanaan la’aan ka muujiyay in aysan liiska ku jirin jaamacado Koonfurta Aasisa ah, Laatiin Amerika ah amaba Afrikaan ah.

Christopher Trisos oo ah agaasimaha cilmi-baarista ee jaamacadda Cape Town ayaa BBC-da u sheegay in habkani cusub ee fiisaha UK ku bixineyso uu yahay mid saaid xaq daro u ah.

Wuxuu sheegay in haddii UK ay doonayso in ay xal gaarto arrimaha taagan ee deegaanka, tamarta iyo xanuunada, waa in ay aqoonsataa aragtiyada iyo aqoonta kala duwan ee dadyoowga adduunka ku nool, gaar ahaan kuwa soo koraya.