Maxaa ka cusub Dhul gariir kii Morocco ?

MUQDISHO_AYAAMAHA- “Sida lagu sheegay warbixin ku meel gaar ah, dhulgariirku wuxuu ku dhintey 632 qof gobollada iyo degmooyinka al-Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.8 ayaa dhacay wax yar kadib 11:00pm habeenimo xilliga dalkaasi, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Marrakech iyo magaalo xeebeedka Agadir ee Koonfur Galbeed ee dalka Morocco.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacaysa marba marka ka danbeysa. Ugu yaraan 632 qof ayaa ku dhintay in ka badan 329 qofna waa ay ku dhaawacmeen dhulgariirka, sida uu sheegay TV-ga dowladda ee Morocco, isagoo soo xiganaya wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhismayaal dhowr ah ayaa ku dumay magaalada Marrakech dadkuna waa ay ka qaxeen guryahoodii waxay isugu soo baxeen waddooyinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Gariirka dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalooyinka xeebta ah ee Rabat, Casablanca iyo Essaouira. Waana dhul gariirkii ugu xooganaa ee dalkaasi ku dhufta muddo 120 sano ah, sida ay sheegtay hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ee loo soo gaabiyo USGS.