Maxaa ku jaban inay Soomaaliya ka hadasho khilaafka Niilka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webig Niilka ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.

 “Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar.

Haddaba waxaa la is weydiinayaa hadii aan laga hadlin arrinta khilaafka webiga Niil maxaa ku qaadya madaxweynaha Masar inuu shirka jaraa’id ka sheega inay arrintaasi isla soo qaadeen isaga iyo Xasan Sheekh.

“Madaxda Adduunku marka ay kulan yeeshaan kadib waxa ay warbaahinta iyo shucuubtoodaba la wadaagaan wixii ay islasoo qaadeen iyo qodobadii ay isku afgarteen. Suurtogal ma ahan in iyaga oo is garabtaagan uu midkood iskii u alifo wax aan miiskaba lasoo saarin. Waxii uu dhinac sheegana waa dhab haddii aanu kan kale kasixin oo isla goobta ka sheegin in uu saaxiibkii sibqaday,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cilmi oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.

Wuxuuna intaasi ku daray in looga baahan yahay xukumadda Xasan Sheekh inaysan ku milmin colaadda u dhexeysa laba dal oo muhiim u ah Soomaaliya

“Waxaana ay u baahanyihiin talo ku aaddan tubta ay qaadayaan iyo qaabka ay ula dhaqmayaan waddamada ay dhibaatadu dhextaallo ee iyaguna doonayaan in ay lawada tacaamulaan oo ay kaashadaan si aanay dabin dhigan ugu dhicin,” ayuu yiri.

Haseyeeshee, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadlaan arrimo uu ka mid yahay webiga Nile.

“Waa caadi in waxa dal dhibaya oo welwel ku haya ay dal kaloo ay saaxiib yihiin kala hadlaan. Sida aan wada ognahay, biyo xireenkan korontada dhaliya ee ay Itoobiya samaysay waxaa dareen badan iyo diidmo ka muujiyay dalalka Masar iyo Suudaan oo ku dooday inay tallaabadaas waxyeelayso, maaddaama ay yihiin dalalka ay biyahaas ku dhacayaan oo aan ahayn kuwa ay webiyada ka yimaadaan.”

Waxa uu intaas ku daray in “Soomaaliya aysan ku qaldanayn haddii ay Masar kala hadasho arrimaha khuseeya webigaas”. Laakiin, waxa uu intaas ku daray in Masaaridu ay albaab kasta u garaacayaan sidii ay Itoobiya ugala heshiin lahaayeen arrinta biyo-xireenka, balse waxa ugu wanaagsan ay tahay in labada dhinac si siman loogu kala dab qaado.

BBC