Maxaad ka taqaanaa 10-ka dal ee Afrika ugu nadaafadda badan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nadaafaddu waa arrin muhiim ah, oo laga eego shaqsi ahaan, guri, xafiis, bulsho ama qaran. Dadka ku nool deegaan nadiif ah, sida ay khubaradu sheegeen, ayaa la sheegay inay cimri dheer yihiin kuwa ku nool deegaannada wasakhaysan.

Biyo nadiif ah, hawo nadiif ah, maaraynta qashinka iyo fayadhowrku waa arrimo muhiim ah oo saamayn kara caafimaadka dadka.

Dalalka leh hawo nadiif ah ayaan halis ugu jirin inay yeeshaan meelo ay ku tarmaan cayayaanka sababi kara cudurrada la xiriira wasakhowga hawada sida cudurrada kala duwan ee neef -mareenka ama wadne xanuunka.

Dalalka leh wasakhowga hawada oo aad u sarreeya ayaa halis weyn ugu jira inay yeeshaan cudurro aan faafin oo aad u sarreeya waxayna u dhigmaan 72% dhammaan dhimashada, boqolkiiba 16 ka mid ah waxaa sabab u ah wasakhowga hawada.

Baarayaasha Jaamacadda Yale iyo Columbia oo kaashanaya Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa qiimeyn nadaafadeed iyo mid deegaan ku sameeyay in ka badan 180 dal oo adduunka ah.

Waxyaabo kala duwan oo muhiim ah ayaa loo tixgeliyaa inay helaan liiska waddammada nadiifka ah ee adduunka tusaale ahaan hawo nadiif ah magaalooyinka ama aagagga dalka oo aan lahayn ur, biyo nadiif ah, fayadhowr, kala duwanaansho noole, iyo siyaasadaha ilaalinta deegaank.

10. Dalka Namibiya

 

 

.

Waa dal ku yaalla Koonfurta Afrika. Hoggaamiyeyaasha dalka ayaa safka hore kaga jiray taageeridda dadaallada fayadhowrka, iyagoo si joogto ah uga qaybqaadan jiray hababka fayadhowrka. Caasimaddeeda, Windhoek, oo mar ahaan jirtay magaalada ugu nadiifsan Afrika, waxay hadda gashay kaalinta afaraad ee qaaradda.

Dalku wuxuu leeyahay barnaamij olole nadaafadeed oo khaas ah oo ay dawladdu billowday isla markaana ay maamusho, ololahaasi oo gacan ka geysanaya in deegaanku dalka oo dhan uu noqdo mid nadiif ah oo cusub. Ujeeddada ugu weyn ee ololuhu waa in la kordhiyo wacyiga dadka ee arrimaha nadaafadda iyo xeerarka.

9. Dalka Botoswaana

 

.

Botswana waa mid ka mid ah dallaka uu sabaloosan dunida. Dadaalka madaxdiisa iyo siyaasado cadcad ayaa dalka ka caawiyay inuu kor u kaco si uu u noqdo mid ka mid ah dalalka Afrika ugu hodansan uguna dhaqaalaha badan.

Sidoo kale dalku wuxuu u dadaal ugu jiraa inuu noqdo dal leh dhaqaale xooggan, iyo inuu ka mid noqdo dalalka ugu nadiifsan Afrika.

Arrintaasi waxaad oggaanaysaa marka aad tagto magaalada Gaborone ee caasimadda dalkaas.

Jidadka magaaladu waa kuwo nadiif ah oo si fiican looga shaqeeyay, ciriiriga baabuurtu maaha mid sidaas u badan sababtoo ah kaabayaasha waddooyinka ayaa ah kuwa wanaagsan waxaana jira dhismayaal dhalo oo casri ah oo si fiican loo naqshadeeyay.

8. Dalka Marooko

Dalka Morocco wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay xagga fayadhowrka Afrika sanadkii 2019-ka, haseyeshee wuxuu hoos uga dhacay kaalintaas sanadkan 2021-ka wuxuuna galay kaalinta 8-aad.

Balse dawladdu waxay sii wadaa inay isku daydo inay dalka ka dhigto dal leh biyo nadiif ah, hawo nadiif ah iyo fayadhowr sare.

In kasta oo ay hoos ugu dhacday kaalinta 8-aad, haddana dadaalladii waddanku ku doonayey inuu ku noqdo waddan heer sare ah ayaa sii socda, mana aha wax lala yaabo in magaaladeeda Ifrane loo doortay magaalada labaad ee ugu nadaafadda wanaagsan adduunka, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay NBC times, oo lagu sheegay 12 magaalo oo nadiif ah.

7.Dalka Koofur Afrka

 

 

Koonfur Afrika waa mid ka mid ah waddammada ugu saamaynta badan xagga horumarka Afrika oo lagu daydo. Laakiin mid ka mid ah waxyaabaha uu dalku mar walba xoogga saaro ayaa ah hagaajinta fayadhowrka inkasta oo tirada dadka dalku sii kordhayso.

Koonfur Afrika waa dal qurux badan oo nadiif ah, qaar ka mid ah magaalooyinkeeda sida Cape Town, ayaa la sheegaa inay ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxda badan adduunka. Koonfur Afrika waxay ku jirtaa kaalinta 7-aad xagga nadaafadda Afrika, waxayna ku jirtaa kaalinta 95-aad ee adduunka.

6. Dalka Masar

Kaalinta lixaad ee tirada dalalka fayadhowrka ee Afrika waa Masar, oo ka mid ah waddamada loogu booqashada badan yahay Afrika. In kasta oo ay ku noolyihiin dad aad u tiro badan haddana Masar waxay ku guulaysatay inay ilaaliso bay’addeeda.

Waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu nolasha wanaagsan marka loo eego heerarka kala duwan ee nolasha dalalka Afrika, dad badan oo ku nool dalkaas waxay ku qanacsan yihiin nolosha. Waa meesha 91-aad ee adduunka oo leh kaabayaal wanaagsan oo loogu talagalay maaraynta qashinka, xakamaynta wasakhowga hawada iyo maaraynta kheyraadka wanaagsan. Ma aha wax lala cajabo oo waxay ka mid tahay dalalka leh heerarka ugu sarreeya ee nadaafadda Afrika.

5. Dalka Aljeeriya

Aljeeriya, waa dal ku yaalla Waqooyiga qaaradda Afrika oo leh xeebo aad u qurux badan oo badda Mediterranean -ka ah kana tirsan saxaraha Afrika ee caanka ah.Dalka hadda waxaa ku nool dad gaaraya 44.7 milyan marka loo eego tirooyinka sanadkaan 2021-ka la soo saaray. Aljeeriya waxay muddo dheer la halgamaysay wax ka qabashada isbedelka cimilada.Waxay soo saartay sharciyo kala duwan si loo ilaaliyo deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah.Halgankaas ayaana ka caawiyay dalka inuu noqdo mid ka mid ah waddamada loo aqoonsaday inuu fayadhowrkoodu wanaagsanyahay ee ku yaalla Afrika.

4.Dalka Mauritius

Mauritius ayaa kaalinta afaraad ka gashay xagga nadaafadda Afrika sidoo kale waa waddan soo jiita dad aad u tiro badan oo dalxiis u taga . Waxyaabaha uu ku kasabaday dad soo jiidashada waxaa ka mid ah Baasaboorkiisa awoodda leh oo ku jira kaalinta labaad ee adduunka, wuxuu leeyahay xeebaha ugu quruxda badan uguna soo jiidashada badan Afrika balse sidoo kale waa waddan qurux badan oo loogu talagalay dhaqdhaqaaqyada ganacsi.Iyada oo ay jiraan waxyaabahan muuqda, haddana nadaafaddu waa wax dalka ka dhiga mid soo jiidasho leh. Mauritius ayaa hadda ku jirta kaalinta afaraad ee Afrika xagga nadaafadda marka loo eego daraaseynta darajada 81-aad ee adduunka.Xeebaha quruxda badan iyo waddooyinkeeda nadiifka ah ayaa kaliya kaa dhigi doona inaad jeclaato jasiiraddan ku taal Badweynta Hindiya.

3. Dalka Gaabon

Dad badan ayaa la yaabi kara inay arkaan Gabon oo liiskan ku jirta, mar labaadna ka mid ah waddamada ugu nadaafadda fiican Afrika. Xaqiiqdu waxay tahay in dhowr sano Gaabon ay aad uga shaqaysay sidii wax looga qaban lahaa fayadhowrka iyo nadaafadda guud ahaan.In kasta oo ay ka mid tahay waddamada ugu dadka yar adduunka, haddana waxay ka mid noqotay waddammada ugu booqashada badan Afrikada Dhexe. Sanadkii 2017-kii dadaalkii wadajirka ahaa ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’adda Carruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF, ayaa 90% nka dhigay magaalooyinka inay heli karaan biyo nadiif ah oo la cabo, balse 49% keliya qoysaska ayaa heli kara adeegyada aasaasiga ah. Meelo badan oo miyiga ah helitaanka biyo nadiif ah ayaa hoos u dhacay 55% halka adeegyada fayadhowrka aasaasiga ah ay hoos ugu dhaceen 37%.

2. Dalka Tunuusiya

Tunuusiya waa dal yar oo Carab ah kuna yaalla Waqooyiga Afrika, wuxuuna soo maray marxalado ay ka mid yihiin halgan uu ka raadinayay madaxbnaani iyo dagaal argagixiso.Wuxuuku yaallaa koonfurta Badda Mediterranean -ka wuxuuna daris la yahay Aljeeriya iyo LiibiyaTunuusiya waxay dejisay siyaasado ku filan si ay si qaab wax ku ool ah loogu maareeyo arrimaha biyaha, tamarta iyo wasakhowga hawada. Siyaasadahaan ayaaba inta badan dalka ka dhigay dalka labaad ee ugu weyn Afrika sanadkaan 2021-ka Waxayna ku jirtaa wadamada ugu nadiifsan Afrika dhanka hawada iyadoo sidoo kalana kaalinta 69-aad kaga jirta adduunka kale.

1. Dalka Rwanda

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa la ogyahay inuu leeyhaya karti uu ku maareeyo arrimahiisa gaarka ah, sida nadaafadda deegaankiisa waana wax uu muddo dheer u soo halgamay. Marka laga tago qaar ka mid ah astaamaha amniga ee ku xeeran dalka dhowr sano, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Kigali, wuxuu noqday mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika.Rwanda ayaa loo aqoonsaday dalka ugu horreeya Afrika xagga fayadhowrka afar sano oo xiriir ah.Rwanda dagaalkii iyo xasuuqii dhacay sanadkii 1994-kii , kadib waxay dib ugu laabatay dib -u -dhiskeedii mana ahan oo kaliya inay wax la qaybsanayso Afrika ee adduunka ayaaba ku ammaanaya horumarka xowliga ah ee ay gaartay.Dawladda Rwanda ayaa qaaday tallaabooyin ay ku hubinayso in arrinta fayadhowrka la tixgeliyo, tusaale ahaan, waxay mamnuucday bacaha waxayna bilowday ololeyaal nadaafadeed oo gaar ah.Tallaabooyinkan dowladda ayaa horseeday in Rwanda loogu yeera magaca sanadkaan 2021-ka ee ah waddanka ugu horreeya fayadhowrka Afrika.

xigasho:BBC