Maxay Guusha Sheekh Aadan Madoobe uga dhigan tahay Farmaajo iyo wixii ku ag haray?

Waxaa qoray Cabdicasiis Golfyare.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe, maxay ka dhigan tahay?

1- Marka hore waa mirihii halganka loo galay dib u soo noqoshada xorriyadda shakhsiga iyo tan Barlamaanka , oo shantii sano ee la soo dhaafay dhaawac loo geystay. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ka mid ahaa mucaaradka aan maalinna madaxa u raaracinin Farmaajo iyo xukunkiisa. Waana midda uu ku muteystay taageerada, kuwii u sacabtumayay in Baarlamaanka la gumeeyo, qaarkood waa ku dhiirran waayeen inay tartanka soo galaan, qaarkoodna Farmaajo ayaaba golaha ka hor istaagay.

2- Mucaaradka waxay uga dhigan tahay in jidka kaliya ee guusha lagu gaari karo uu yahay iskaashi iyo midnimo, Guushan waxaa iska kaashaday: Midowga murashixiinta, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, xildhibaanada xorta ah oo ay ku jiraan murashaxiintii ku haray wareegga koowaad.

3- Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, waxaa soo gaartay jug culus, marka laga soo tago sidii uu xukunka ku yimid Laftagareen, intii uu xukunka hayay uma dhaqmin hoggaamiye bulsho u baahan: in laga xorreeyo shabaab, la heshiisiiyo iyada dhexdeeda, loo dhiso hay’ado maamul iyo ciidan la wada leeyahay, ugu dambayntiina waxuu hormuud ka ahaa boobka doorashada dadban. Lafta gareen waxuu doorbiday inuu Farmaajo iyo Fahad kula shirkoobo deegaanka KG, dhacdadaii shalay uu ku hor istaagay doorashada golaha shacabka oo xayirnayd ilaa xalay fiidkii waxay tusaale u tahay aaba yeel darrada Laftagareen oo uu natiijadeeda hayo saaka.

4- Waa guul u soo hoyatay reer koofur Galbeed oo u baahnaa hoggaan iyaga heshiisiiya, la heshiisiiya bulshooyinka la nool iyo kuwa deriska la ah, isku soo duma hoggaanka siyaasadeed iyo midka dhaqan, doorna ay ku yeeshaan doorashada Madaxeeynaha soo socda iyo tan Koofur Galbeed oo ay ka hartay 6 bilood.

5- Ugu dambeyn guusha Sheekh Aadan Madoobe, waxay uga dhigan tahay Farmaajo iyo wixii ku ag haray, inay bartaan shacabka Soomaaliyeed inaan la maquunin karin. Intaanay kharash kale iyo colaad kale sii abuurin, inay ku noqdaan xisaabahii shanta sano, imisa ayaa Soomaaliya uga khasaartay muddo korosiga sharci darrada ahaa, immisaa Soomaaliya uga luntay xumaynta xiriirka caalamiga ah. Haddii xisaabtaas ay faa’iido uga soo baxdo, horey ha u sii socdaa, haddiise khasaaraha ay gaysteen uu u qiimaysan yahay, si nabadgelyo ah ayay xilka ku wareejinayaan.