Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland & Madaxweynaha Jabuuti?

MUDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxweynaha Somaliland markii uu ka degay Garoonka Jabuuti ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay ka wda hadleen danaha labada dhinac, adkaynta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada.

Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan safar ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob.