Maxay tahay sababta telefoonada Afrika ee layska tuuray loogu raro Yurub?

Shirkad Yurub u rartaa telefoonada AFRIKA ee layska tuuray si dib u habeyn loogu sameynayo.
Shirkad Yurub u rarta telefoonada AFRIKA ee layska tuuray si dib u habeyn loogu sameynayo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Eric Arthur ma hayo waqti badan- waxaa uu maalmaha fasaxa ku qaataa soo ururinta telefoonada ciladeeysan ee dalka Gaana.

Waxaa uu kasoo safraa hoygiisa oo ku yaala Cape Coast oo 160-Kilomitir u jirta halka uu ku wajahanyahay, maalmaha fasaxa waxaa uu booqdaa goobaha lagu farsameeyo qalabka elektarooniga iyo goobaha lagu daadiyo, meel walba oo dhawaan la geeyey haraadiga agabka.Maalmaha ugu fiican waxaa uu soo ururin karaa 400 oo xabo. Waxaa intaasi sii dheer waxaa uu maamulaa koox ka kooban lix qof oo isla howshaasi uga qabanaya wadanka intiisa kale, iyaga dhexdoodana waxaa sanadkan qofkasta laga filayaa in uu soo ururiyo 30,000 oo talefan.

Mr Arthur iyo dadka la shaqeeya waxaa ay lacag yar oo gaaraysa 2.5 oo lacagta Chana ah oo u dhiganta 44 sint oo doolar ay siiyaan kuwa iska iibinaya.

Xitaa hadii telefoonada lagala quustay in la sameeyo, mararka qaar cabaar ayaa lagu qanciyaa dadka in ay bixiyaan telefoonadooda amaba ay iibiyaan.

“Telefoonka Android-ka ee cusub ee qiimihiisu yahay $150 ayaan waxaan ku iibiyay 1 doolar in kasta oo aan la isticmaali karin.” Haddaba maxaan qiimahaas raqiiska ah ugu bixinayaa?

Shaqadiisa maalmaha fasaxa waxaa ka caawisa shirkad Netherlands laga leeyahay oo la yirahdo Closing the Loop. Shirkaddan waxa ay Yurub u rartaa telefoonada ay soo ururiyeen Erig iyo kooxdiisa halkaas oo lagu bur burinayo oo dib u habeyn loogu sameynayo.

Kadib shirkadda ayaa dhalaalinaysa oo kasoo saaraysa 90% birta laga sameeyo Telefoonada waana hab looga saarayo qaybta caagga ah ee Telefoonada.

Balse maxay tahay sababta biraha ku jira mobilada haleysan loogu soo raadiyo Galbeedka Afrika?Joost de Kluijver, oo aas aasay shirkadda mashruucan qaadatay ee la yiraahdo Closing the Loop ayaa sheegay in jawaabtu sahlan tahay: “Africa wali ma heysato warshado dhalaaliya birta iyo birta telefoonada laga sameeyo.” ayuu yiri.

Dhanka kale ku dhawaad 230 milyan oo Teleefon ayaa Africa lagu iibiyaa sanad kasta. Marka laga dhameeysto ama ay ciladoobaan, qaarkood waxaa qaata kuwo dib u habeyn ku sameynaya wallow aysan ahayn midda warshadaha waaweyn, balse badankood waa la tuuraa.

Sida laga soo xigtay Waaxda Maraynta Qashinka, Africa waxaa ay sanadkii 2019 kii oo kaliya soo saartay 2.9 oo tan oo ah qashin qalabka electronic ah waxaana dib u habeyn lagu sameeyay boqolkiiba hal oo keliya. Dalalka Africa aad ayay ugu xeel dheeryihiin ururinta iyo habeynta waxyaabaha la tuuro. Sidaasi darteed fikradda waa ay heystaan balse habkii ayaa ka maqan, gaar ahaan qaabkaan lasoo dhoofinayo, ” ayuu yiri Mr de Kluijver.

Source: BBC