Maxay uga wada hadleen kulanka maantay ay yesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka?

MUQDISHO-AYAAMAHA– Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 28-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubnaha guddiga.

Ajandaha kulanka oo ahaa Warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, warbixinnada guddoomiyeyaasha guddiyada gacanta ku haya hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda, kuwaas oo kala ah, Guddiga Maaliyadda iyo Misaaniyadda, Guddiga Garsoorka iyo Awqaafta, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddiga Arrimaha Dibadda, Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka, Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha.

Kulanka ayaa sidoo kale  looga dooday soo bandhigista inta ka harsan kalfadhiga seddaxaad ee Golaha Shacabka, ajandeynta Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed iyo qeybinta jadwalka tababarka guddiyadda Golaha Shacabka.