Maxkamadda Banaadir oo sheegtay in ay u baahan tahay caddeymo dheeraad ah kiisaska Musuq-maasuqa

MUQDISHO_AYAAMAHA- Maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmahii lasoo dhaafay ku mashquulsaneed dhageysiga dacwadaha loo haysto muwaadiniin uu xafiiska xeer ilaaliyada Qaranka kusoo eedeeyay falal Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa sheegtay si loo helo Caddaalad loo baahanyahay caddeymo dheeri ah oo ku saabsan kiisaska muwaadiniintan lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, mudane Saalax Cali Maxamuud (Dabaan), oo sidoo kale ah Garsooraha guddiga dacwadda Musuq-maasuqa, ayaa fadhigii Maxkamada ka sheegay in maxkamadda ay u baahatay caddeymo dheeraad ah si cadaaladda loo gaaro.

Arrintan ayaa dhabar jab ku ah xeer illaalinta oo cadeynmaha ay soo bandhigtay ku filnaan waayeen in maxkamadda xukun rido, qareenada difaacaya eedeysanayaasha ay si adag isaga difaacay cadeymihii baaritaankii xafiiska Hanti dhawrka oo udub-dhexaad u ahaa kiiska xeer illaalinta soo diyaarisay.