Mossad oo dhaar ku martay inay iran ka aargudanayso

MUQDISHO_AYAAMAHA- Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Axaddii sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto “bartmaha Tehran” si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay inay ka dambeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha Israel iyo Yahuudda ee caalamka.

Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfurbari Asia iyo Koonfur America.

“Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv.

Waxa uu intaas ku daray in “hadda oo aan hadlayno” Iran ay isku dayayso inay qaado weeraro dheeraad ah.

“Farriinteenu waa mid qaylo dheer oo cad oo go’aan uu ku dheehan yahay,” ayuu yiri.

“Ha qaldamina, kuwiinna go’aansaday inay soo diraan kooxaha. Ogsoonaada inaan idin heli doonno, oo caddaaladda la fulin doono si ay u wada arkaan dhammaan. Tani hadda kahor waa laga dhabeeyey, mustaqbalkana, waxaanu kor ugu qaadi doonaa heerka xiga.”

Barnea waxa uu sheegay in Israel ay ka dabi tegi doonto wakiillada ku lugta leh shirqoollada iyo taliyeyaasha soo diray.

“Cawaaqibkani waxaa laga filan doona gudaha Iran, bartamaha Tehran,” ayuu yiri.

Israel ayaa Iran u aragta cadowgeeda ugu weyn, ayada oo xiganeysa baaqyada Iran ee ah burbirnta Israel iyo taageeradeeda dagaal-yahannada ku sugan meelo ku dhow xuduudda Israel.

Israel ayaa sidoo kale ku eedeysay Iran inay raadineyso hub Nukliyeer ah – eedeyntaas oo Iran ay beeniso.

Iran ayaa ku eedeysay Israel inay fulisay tiro weeraro dhimasho leh oo lagu qaaday saynisyahannada Nukliyeerka iyo goobo ku yaalla gudaha Iran, inkasta oo Israel aysan inta badan ka hadal howlgallada noocan ah.