Mustafe Cagjar oo si carol eh uga hadlay dilka Gabar Xildhibaan aheyd

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Madaxwrynaha ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay ehelladeeda iyo Asxaabteeda geerida Xildhibaanad Juweeriya, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto.

“Waxaa la aasaasay guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan”, ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in hay’adaha Amnigu ay gacanta ku hayaan baarista dhacdadan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin”, ayuu intaas raaciyay madaxweynuhu.