Muxuu yahay qorshaha halista ku ah Villa Somalia ee Midowga Musharaxiinta ay damacsan yihiin?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha ay ku midaysanyihiin Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadacay ka qeyb galka doorashada baarlamaanka ee dalka ka socota, taasoo dhabar jab ku noqon karta guddiga doorashada oo laga sugayay in ay keenaan doorasho lagu kalsoonaan karo ka hor dhamaadka sanadkan.

Bilihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay qabashada doorasho dadban, xitaa ka dib markii daneeyayaasha ay saxiixeen laba heshiis oo waaweyn oo ahaa in hab sax ah loo raaco. guddiyadu si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku guulaystay in uu qabto doorashooyinkii aqalka sare.

War-murtiyeed ay soo saareen musharixiintu talaadadii waxay ku adkeysteen in doorashada Aqalka Hoose ee socota laga weeciyay wadadii saxda ahayd, isla markaana ay kalsoonida kala noqdeen, maadaama hannaanka ay u socoto doorashada ay ka maqan tahay hufnaan iyo tartan xalaal ah oo loogu jiro kuraasta lagu hardamayo.

Musharixiintu waxa ay xuseen in guddiyada doorashada maamul goboleedyada [SEIT] aysan ahayn kuwo madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, iyagoo ku dooday in ay u hoggaansameen cadaadiska Hogamiyeyasha Dawladaha xubnaha ka ah Faderaalka halka guddiga doorashada heer federaal [FEIT] uu ka amar qaato madaxda DFS.

Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay dhoorashada, maadaama mucaaradku ay ku adkeysanayaan inuu doonayo in xildhibaanada golaha shacabka uu ka dhigo kuwa isaga ku dhow. Farmaajo weli kama jawaabin sheegashadaas.

Musharixiintan oo doonaya in ay xilka ka badalaan Farmaajo ayaa intaa ku daray in guddiga xalinta khilaafaadka ay gabeen mas’uuliyadooda, kadib markii ay diideen cabashooyin la soo gaarsiiyay, isla markaana aysan si cadaalad ah u maareyn kuwii hore.

Intaa waxa dheer, mucaaradku waxa ay ku andacoodeen in aysan jirin ergo doorasho oo la diyaariyey, la tababaray, oo loo diray goobaha codbixinta, balse taa beddelkeeda, xukuumaddu Shaqaale dawladeed, askar, iyo ergo aan beesha kursi leh ka tirsanayn ay codeeyeen.

Sidoo kale, waxa ay ku doodeen in aysan jirin goob-joogeyaal korjoogteeda doorashada iyo warbaahin madaxa-banaan. arrintaan waxaa markii hore isku raacay madaxda dowladda Faderaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada Sep 17 iyo May 27 markii la diyaariyay heshiiska kama dambaysta ah ee doorashadda.

“Waxa socda laguma tilmaami karo doorasho, waa bililiqo qaawan oo kuraas ah oo Soomaaliya u horseedi karta xasilooni darro, fowdo, iyo qalalaase siyaasadeed oo hor leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, “Midowgu musharixiinta ma aqbali doono oo qeyb ka noqon doonaan musuqmaasuqa codbixiyayaasha ee ah looga gol leeyahay in dalka laga saaro dadaallada nabadda iyo dowlad dhisidda.”

Musharixiinta ayaa sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay wadatashi uga yeeshaan sidii dalka looga samatabixin lahaa oo dib ugu laabanaya khilaaf ka dhashay doorashadii lagu murmay.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen RW Maxamed Xuseen Rooble inuusan diyaar u ahayn inuu saxo khaladaadka ka dhacay doorashada, taasi bedelkeeda ayuu ku baaqay in la dardargeliyo doorashada kuraasta ka harsan Aqalka Hoose. Waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka in ay soo fara geliyaan xiisada taagan oo aan la sugin inta ay xiisadu faraha ka baxayso.

Ismari waaga ka taagan doorashada ayaa ka dhashay waxa ay musharixiintu ugu yeereen boob doorasho.

Habeenimadii Isniinta, wax yar ka dib markii ay musharraxiintu la kulmeen RW Rooble, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan degdeg ah la qaatay madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, isagoo si weyn ugala hadlay khilaafyada doorashada. Dalka ayaa lagu wadaa in lagu soo doorto 275 xildhibaan balse ilaa hadda wax ka yar 20 xildhibaan ayaa la doortay.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku booriyay madaxda DXDF in ay doorashada u qabtaan si hufan, isla markaana uu u gudbiyay tabashooyinka iyo cabashooyinka ay horay ugu soo gudbiyeen Golaha Murrashaxiinta Madaxweynaha.

Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday 8-dii Febraayo 2021, ayaa lagu eedeeyay inuu ka shaqeeyay howshan si uu u helo tirada xildhibaanada Aqalka Hoose ee looga baahan yahay in ay u gogol xaarto dib u doorashadiisa. Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa labaduba ka qeyb galaya doorashada madaxweynaha.

Mustaqbal/Ayaamaha.