MW Biixi oo Sool ku wajahan waa maxay sababta safarkiisa ee gobolka Sool ?

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxaya magaalada Hargeysa caasimadda maamulkaasi ayaa maanta oo jimco ah waxa ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa safarkiisa lagu sheegay inuu yahay mid uu warbixino kaga dhageysan doono askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday dagaalkii cuslaa ee Jimcihii todobaadkii hore ka dhacay xerada Goojacade ee Sool.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu saldhigan doonaa deegaanka Oog ah halka deegaan ay gobolka Sool kaga sugan yihiin ciidamada Somaliland oo laga soo saaray dhamaan saldhigyadii iyo difaacyadii Gobolkaasi.

Dhanka kalena, SSC Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa iney adkeeyeen difaacyadooda isla mar ahaantaasina ay heegan galiyeen ciidankooda, waxaana jirta baqdin ah inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah gobolka Sool.

Ciidankii maamulka Somaliland ayaa Jimcihii todobaadkii hore dagaal xooggan looga saaray xerada Goojacadde oo in muddo ah ku sugnaayeen, halkaasi oo la tilmaamay in ciidanka Somaliland ay madaafiic uga soo garaaci jireen magaalada Laascaanood