MW Xasan Sheekh oo Uganda uga qeyb-galay shir madaxeedka dalalka ciidamada ee AUSSOM

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibbada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee gobolka, iyadoo la tixgelinayo marxaladda cusub ee ay Soomaaliya wajahayo.

Shirkan ayaa waxaa martigelinaya Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, waxaana uu kulminayaa madax sare oo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka qeyb qaadanaya howl-galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Madaxda shirku waxay isla qaateen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

• In shirku bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay DFS oo ay ka mid yihiin; ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), xubinnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabtaynta hubka, dib u habaynta dhaqaalaha iyo billaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada tooska ah.

• In la dardargeliyo taageerada tababarka, qalabaynta, iyo tayeynta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

• In la xoojiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, iyo garab-istaagga cirka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

• In la dhiirrigeliyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, si loo sugo xasilloonida dhulka la xoreeyey.

• In la dhaqan geliyo istaraatiijiyadda dhaqaale-ururin ee howlgalka AUSSOM iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Shirka Entebbe ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad amniyeed oo adag, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Arrintan ayaa sii adkaynaysa baahida loo qabo iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya dalalka gobolka.