Qaar kamid ah dadkii laga soo masaafuriyey laascaanood oo gaaray Baydhabo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta bilaabay daadgureynta qoysaskii laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood, kuwaasoo diyaarado looga soo qaadayo magaalada Gaalkacyo.

Waxaa Baydhabo gaarey maanta 21 qoys oo ka mid ah qoysaskii laga soo masaafuriyey laascaanood, kuwaas oo diyaarada Baydhabo ka dejisey ku deeqey Cqaadir Xaaji geesdheere oo degan Ingiriiska .

Guddi ka kooban Wasiiro uu magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa ka qeyb qaadanaya howsha daadgureynta qoysaska, si dib u dejin loogu sameeyo.

Waxaa sidoo kale maalmaha soo socdo la filayaa in Baydhabo laga dejiyo qoysas badan oo kamid ah kuwa laga tarxiilay Magaalada Laascaanood.