Qodobbadii ay Farmaajo iyo Uhuru ku kala tageen ee Xasan Sheekh ogolaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudd ayaa maanta booqasho Rasmi ah ku tagay Kenya halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Uhuru Kenyata.

labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen 11 qodob. Haddaba dhammaan qodobbadaasi kama wada mid ah kuwii ay isku mari waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabudullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sanadihii la soo dhaafay hareeyay khilaaf ka dhashay arrimo kala duwan.

Dowladdii hore ee Soomaaliya ee uu hoggaaminyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dolwadda Uhuru Kenyatta waxaa dhex taallay xurguf diblomaasiyeed oo horseedday in labada dal ay u yeertaan danjireyaashooda.

Dowladda haatan ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayay inay wax badan ka beddeli doonto xiriirka labada dal.

Markii la doortay Xasan Sheekh ayaa waxaa durbadiiba soo baxday inuu Kenya u oggolaanayo in duullimaadyadii qaadka ee Soomaaliya ee la joojiyay dib loo furi doono, inkastoo Soomaaliya ay iyadana sharuudo ku xirtay in ay taasi dhacdo.

Haddaba Maxay yihiin qodobbada madaxweyne Xasan horyaallay inuu Kenya kala hadlo oo aan haatan ku jirin heshiiska ay gaareen labada dal?

3: Qadiyadda Somaliland 

Uhuru iyo Biixi

Bishii Juun 14-keedii waxaa dhacday in Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay danjieyaasha uu fadhigooda yahay dalka Kenya, kaddib markii uu kulankaas ku arkay masuuliyiin matalayay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

War ay markaas kaddib soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula-kac ah u martiqaadday qof ka socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sharraxaad ka bixiso xagudub ay sheegtay in loo geysatay madaxbannaanida Soomaaliya, kaas oo ka yimid Jamhuuriyadda Kenya sida uu qoraalkaasi xusay.

Dhinaca kale, war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa markaas lagu sheegay inay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo jiritaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Waxay sheegtay inay ka ‘qoomamaneyso calanka Somaliland ee sida qaldan uga soo muuqaday shirkii diblumaasiyadda’ ee ka dhacay Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay sidoo kale xustay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaliland ayaa dhankeeda waxay ku sheegtay in ay ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, kaas oo ka baxay shirka shalay.

4: Murankii Badda

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sanadkii 2014 ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka (ICJ), dacwad ka dhan ah Kenya.

Ugu dambeyn Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu uu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa bishii Octobar 2021 soo saartay go’aan ku aaddan dacwaddii ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda, kana dhan ahayd sheegashadii Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhul badeedka inta badan u xukuntay Soomaaliya. Kenya ayaase ku gacan-seyrtay go’aanka maxkamadda.